Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqde ayaa tiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan xoolaha muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida xoolaha agoonta, xoolaha waqafka ah, iyo amaanada oo la inkiro iyo in xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in abaal marintoodu naar tahay maalinta qiyaame.

Benefits from the Hadith

  1. Xoolaha dadka gacantooda ku jira waa maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa madaxda iyo qayrkood oo dadka shacabka ah.
  2. Sharcigu waa adkeeyey xoolaha dad waynaha, qofkii madax ka noqda wax ka mida xoolaha dad waynaha maalinta qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
  3. Goodigaas waxaa soo galaya qofka si qaldan u isticmaala xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.

Categories

Successfully sent!