Ma taqaanaan xantu waxey tahay? ", waxay dheheen asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw. yiri: "Ma taqaanaan xantu waxey tahay? ", waxay dheheen asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega, ", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxa aan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw. wuxuu cadeeyey xaqiiqada xanta la xarrimay oo ah: in lagu sheego qofka muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: cawar, khaa'in, beenaale, iyo wixii lamida, ee ereyo cay ah, xataa haduu leeyahay sifadaa lagu shegay. hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay xanta, oo waaba been abuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.

Benefits from the Hadith

  1. Nabigu scw si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida suaal oo kale.
  2. Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga scw kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
  3. Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
  4. Shareecadu way dar yeeshay bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo walaaltinimada u dhexaysa.
  5. Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibbanuhu sheego ka dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.

Categories

Successfully sent!