dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadiyaan mumbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadiyaan mumbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya xugunkooda, reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay kuwa dadka ay maamulaan iyo eheladoodaba caddaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fadhiisanayaan kuraas dhaa-dheer oo nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo maalinta qiyaamaha. manaabirtaas waxay taalaa Allaha raxmaanka ah midigtiisa, Isagoo labadiisa gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay midig yihiin.

Benefits from the Hadith

  1. Fadliga cadaalada iyo isku boorinteeda.
  2. Cadaaladu waa wax guud oo koobaysa dhamaan masuuliyada iyo dadka oo la kala xukumo iyo in cadaalad loo sameeyo xaasaska caruurta iyo qayrkoodba.
  3. Cadaynta maqaamka ay leeyihiin dadka caadiliinta ah maalinta qiyaamaha.
  4. Maalinta qiyaamaha daka Ahlu iimaanka ah mansiladoodu waa kala tagsan tahay qof walbana sida camalkiisu ahaa ayuu noqon.
  5. qaabka wax jeclaysiintu wuxu ka mid yahay qaababka diinta dadka loogu yeero taasoo qofka loo yeeraayo jeclaysiinaysa cibaadada.

Categories

Successfully sent!