Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cumar Binu Khaddaab Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay: inuu ka maqlay Nabiga Ilaahay scw isagoo dhahaya: "Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan ".
Sahih/Authentic. - Ibn Maajah

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu inagu boorinayaa inaan Ilaahay casa wajala, ku kalsoonaano markaan nafaca doonayno ama dhib iska reebayno aduun iyo aakhiroba ku saabsan, waayo cid aan Ilaahay ahayn wax ma bixiso wax ma diiddo, wax ma dhibto waxna ma tarto. Nabigu wuxu inagu booninayaa inaan la imaano asbaabta keenaysa inaan nafac doono iskan joojino dhibka inagoo Ilaahay si dhab ah ugu kalsoon, goortii sidaa samayno Ilaahay wuxuu inoo irsaaqayaa sida uu shimbirta u irsaaqo, waxay baxdaa subixii iyadoo baahan ka dib waxay soo laabataa galabtii iyadoo calooshu u buuxdo, ficilkaa ay shimbirtu samaysay waa nooc asbaabtii raadinta iyo doonista irsaaqada ah, iyadoo aan la samaynayn isku halayn iyo caajis midna.

Benefits from the Hadith

  1. Fadliga uu leeyahay talo saarashada llaahay, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu wayn ee arsaaqada lagu doono.
  2. Talo saarashada Ilaahay ma diidayso in ficil iyo asbaab lala yimaado, waayo wuxuu sheegay Nabigu scw tawakulka dhabta ahi kama hor imaaaayo in aroortii iyo galabtii irsaaqad la doonto.
  3. Shareecadu waxay ahmiyada siisaa acmaasha qalbiga, waayo tawakulku waa camal qalbiga ah.
  4. in asbaabta kaligeed la isku haleeyo waa nusqaanta diinta, asbaabta oo laga tagana waa nusqaanta caqliga.

Categories

Successfully sent!