ha caroon

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-: Nin inuu ku yiri Rasuulka: ii dardaaran, Nabiguna ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuu ku yiri: " ha caroon ".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistey Nabiga scw inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida. Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna scw kama siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon " ".

Benefits from the Hadith

  1. Waa laga digay carada iyo sababteeda, waayo waa halka shartu ku kulanto, in carada laga xoroobana waa halka khayrku ku kulmo.
  2. Ilaahay darti in loo caroodo sida carada marka lagu xud gudbo Ilaahay maxaarimtiisa waa caro wanaagsan.
  3. Hadalka oo lagu celceliyo markay baahi jirto ilaa uu fahmo kan dhagaysanayaa oo uu garto ahmiyadiisa.
  4. Fadliga ay leedahay in la waydiisto dardaaran qofka caalimka ah.

Categories

Successfully sent!