(Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: (Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku mudanayaa naar. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu qofku naftiisa ku jihaado wuxuu ku mudanayaa janada.

Benefits from the Hadith

  1. Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naft u aragto wax wanaagsan oo ay uleexato.
  2. Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiqa naarta ku aroora, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa janada ku aroora.
  3. Fadliga ay leedahay nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.

Categories

Successfully sent!