(Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigeyga ciid, iguna saliya ku salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaane)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: (Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigeyga ciid, iguna saliya ku salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaane).
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Sharaxaad

Nabigu wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Waxuuna ka digey in labadiyo siyaarada xabaalaha oo la joogteyo, waayo taasi waxay ahaanaysaa dariiq shirkiga gaadhsiiya qofka. Nabigu wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana lagu noqnoqdo qabrigiisa.

Benefits from the Hadith

  1. Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.
  2. Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga scw, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.
  3. Waa la xarimay in qabriga Nabiga scw laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.
  4. Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga scw waxaa tusaaya in sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.
  5. Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga; sidaa darteed wuxuu reebey Nabigu scw in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.

Categories

Successfully sent!