qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: "qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ka shaqeeya danaha dumarka ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo masaakiinta baahidu hayso, waxna siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama qofka salaad tahajuda u taagan ee aan daalayn, oo sooman oo aan afurayn

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la isku boorinayaa, iskaashi iyo in la is kafaalo qaado iyo in la caawiyo dadka baahan ee daciifka ah.
  2. Cibaadada waxaa soo galaya camal kastoo wanaagsan, waxaana ka mida cibaadada in loo adeego garoobka iyo miskiinka.
  3. Ibn Hubayra: wuxuu yiri: waxaa loo jeedaa Ilaahay kor ahaaye qofkaas wuxuu isugu darayaa ajarka qofka sooman iyo kan cibaadoda u taagan iyo mujaahidka hal mar waayo garoobka ayuu u gacan qabtay sida ninkeedii ...., sidaas oo kale wuxuu u garab istaagay miskiinka waxba qabsan kari waayey, wuxuu heli karay iyo xoogiisiiba wuu sadaqaystay wax tarkiisu wuxuu u dhigmaa soomka, qiyaamka iyo jihaadka.

Categories

Successfully sent!