Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa uu ahaa marka uu galayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Anas -Allaha ka raali ahaadee waxa uu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa uu ahaa marka uu galayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu ahaa marka uu doono inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan gali jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.

Benefits from the Hadith

  1. Ducadan ayaa la suneeyey in la akhristo marka lagalaayo suuliga.
  2. Dhamaan khalqiga oo dhan waxay baahi u qabaan Rabigooda, inuu ka difaaco wax kastoo dhib ah oo dhibaatayn, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Categories

Successfully sent!