Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu madaxiisa kor u soo qaado imaamka ka hor in Ilaahay madaxiisa ka dhigo madax dameer, ama uu Ilaahay suuradiisa ka dhigo suurad dameer

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu madaxiisa kor u soo qaado imaamka ka hor in Ilaahay madaxiisa ka dhigo madax dameer, ama uu Ilaahay suuradiisa ka dhigo suurad dameer."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey goodi adag oo ku soo arooray qofka madaxiisa kor u soo qaada imaamkiisa ka hor, in Ilaahay ka dhigo madaxiisa madax dameer ama suuradiisa ka dhigo suurada dameer.

Benefits from the Hadith

  1. Ma'amuumka la tukanaya imaamka xaalkiisu waa afar: sadex waa la iska reebay, waana: ka horayn, garab socod iyo ka daahid, ma`muumkana waxaa laga rabaa: inuu imaamka raaco.
  2. Ma`muumku inuu imaamka salaada ku raaco waa waajib.
  3. Goodiga ah in loo badali doono suurada qofka ka hor qaada madaxiisa imaamka ka hor suurad dameer arin suuragal ah, wuxuuna ka mid yahay masakhaada.

Categories

Successfully sent!