aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka scw waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka scw Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof masaajidka ii kaxeeya oo gacanta iqabta, wuxuuna waydiistay Rasuulka scw inuu u ogolaado inuu gurigiisa salaadda ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu scw, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:( aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nin indhoole ah ayaa Nabiga scw u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo qof i caawiya oo gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, salaadaha shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: aadaanka salaadda ajiib.

Benefits from the Hadith

  1. Salaadda jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.
  2. Hadalka Nabiga scw ee ah (Ajiib dhawaqa) qofka maqalaya aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay salaadda jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.

Categories

Successfully sent!