(Ku tuko istaag, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodi waydidna adoo dhinac u jiifa tuko)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan qabay babaasiir, Nabiga scw ayaan waydiiyey sidaan salaadda u tukadaa, wuxuuna yiri: (Ku tuko istaag, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodi waydidna adoo dhinac u jiifa tuko).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in salaadda asakeeda lagu tukado istaag, xaaladaha uu qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.

Benefits from the Hadith

  1. Salaaddu qofka kama dhacdo inta caqligiisu joogo, kolba xaalad ayuu u guurayaa inta awoodiisu dhan tahay.
  2. Diinta islaamku waa mid samaaxo iyo fudayd ah, oo adoonku wuxuu gudanayaa cibaadada inta uu awoodo.

Categories

Successfully sent!