Allahayow adaa salaam ah, oo salaamtu kaa timid, waad hor ahaatay, waxaad tahay Ilaaha Jalaalka iyo Karamka

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Thawbaan Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu salaadda ka baxo saddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri:( Allahayow adaa salaam ah, oo salaamtu kaa timid, waad hor ahaatay, waxaad tahay Ilaaha Jalaalka iyo Karamka u saaxibka ah). waliid wuxuu yiri waxaan ku iri awsaaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu dhihi jiray markuu salaadda ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa salaam ah, oo salaamtu kaa timid, waad kor ahaatay, waxaad tahay Ilaaha Jalaalka iyo Karamka u saaxibka ah, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamilka, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad galiyo sharta aduun iyo tan aakhiro cid kal lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa suna ah in la istiqfaarsado salaadaha gadaashooda, lana joogteeyo.
  2. Waxaa loo suneeyey istiqfaarta si loo dhamaystiro naqsiga cibaadada ku imanaya, iyo kabitaanka daacada, iyo ka gaabinteeda.

Categories

Successfully sent!