(Markuu ninku masruufo reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, sadaqo ayey u noqonaysaa.)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Markuu ninku masruufo reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, sadaqo ayey u noqonaysaa.).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay inmarkuu ninku siiyo reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa, labadiisa waalid, caruurtiisa iyo qayrkoodba, isaga oo isago Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka sadaqada oo kale.

Benefits from the Hadith

  1. Ajar iyo xasanaat ayaa laga helayaa hadii la biilo reerka.
  2. Mu'uminku camalkiisa wuxuu ula jeeda Ilaahay wajigiisa iyo inuu Ilaahay kaga helo ajar iyo xasanaat.
  3. Waxaa habboon in qofku niyad saalixa ula yimaado camalkiisa saalixa ah, waxaana ka mid ah biilka reerka.

Categories

Successfully sent!