(Majiraan maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay maalmahan) waxaa loo jeedaa maal maha tobanka hore ee bisha dul-xija

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabbihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Majiraan maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay maalmahan) waxaa loo jeedaa maal maha tobanka hore ee bisha dul-xija, waxay dheheen: Rasuul Alloow, ma xataa jihaadka diinta Ilaahay loo jihaadayo? wuxuu yiri: xataa jihaadka, hadduuna ahayn nin u baxay jihaad oo naftiisii iyo maalkiisiiba ku bixiyey waxbana ka soo noqon).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in tobanka maal mood ee bisha dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee laqabto uu ka fadli badan yahay camalka maalmaha sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka scw waxay waydiiyeen jihaadka aan ahayn maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee maalmaha tobanka bisha dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku scw wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee maalmaha tobanka dil-xija laqabto ka fadli badan yahay jihaadka oo la jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay jihaad oo u huray naftiisa iyo maalkiisa waqti jihaad jiray, sidaana ku waayey naftiisiii iyo maalkiisiiba. Waa kaa kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee maalmaha tobanka ah.

Benefits from the Hadith

  1. Fadliga tobanka maalmood ee bisha dil-xija waa mid aad u wayn, sidaa darteed waxaa la gudboon qofka muslimka ah inuu ka faa'iidaysto maalmahaa, u hogaan sanaanta amarka Ilaahay badsado, sida xuska Ilaahay, akhrinta Qur'aanka, takbiirta(Allaahu akbar), tahliisha(laa ilaaha illa-llaah), taxmiidda(Alxamdu lilaah), salaada, sadaqada, soonka ,iyo dhamaan camalka wanaagsan.

Categories

Successfully sent!