(Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaade waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga dumarka, waana shuruud mubaax ah oo ay dalban karto xaasku marka la nikaaxayo.

Benefits from the Hadith

  1. Waa waajib fulinta shardiga labada is qabaa midkood kankale ku xiro, shardi xaaraan xalaalaynaaya ama shardi xalaal xaaraantimaynaya mooyee.
  2. Fulinta shuruuda nikaaxa wuu ka mudan yahay wixii qayrki ah, waayo waxaa looga badashay oo lagu xalaashaday farjiga.
  3. Ilaamku guurka makaano wayn ayuu dhigay, waayo wuxuu adkeeyey oofinta shuruudiisa.

Categories

Successfully sent!