Ilaahay wuxuu yiri: Ibni aadanow wax bixi aan wax ku siiyee

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw yiri: "Ilaahay wuxuu yiri: Ibni aadanow wax bixi aan wax ku siiyee."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni aadanow bixi sadaqada waajibka ah iyo tan sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiinna barakayne.-

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la isku booriyey sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo
  2. Ku bixinta maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.
  3. Xadiiskani wuxuu ka mid yahay axaadiista uu Nabigu naxariis iyo nabad korkiiye Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa xadiis al-qudsi ama xadiis Al-Ilaahi, waana xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhriskiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.

Categories

Successfully sent!