(Aduunyadu waa wax lagu raaxaysto, aduunkana wax lagu raaxaysto waxaa u khayr badan gabar saalixad ah

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabbihiibe wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu dhahay: (Aduunyadu waa wax lagu raaxaysto, aduunkana wax lagu raaxaysto waxaa u khayr badan gabar saalixad ah.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in aduunyada iyo dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, shayga ugu fiican lagu raaxaysto ay tahay xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa banaan ku raaxeysiga wax yaabaha wanaagsan ee Ilahay u xalaaleeyey adoomadiisa iyadoon la israafeyn ama riyo beenaad laga dhigin.
  2. Waxaa la isku booriyey xulashada xaas wanaagsan, waayo waxay ninkeeda ku caawinaysaa inuu rabigi caabudo.
  3. Raaxada aduunka waxaa ugu khayr badan wixii cibaadada Ilaahay la xidhiidha ama wixii cibaadada ku kaalmeeya.

Categories

Successfully sent!