(Mu'uminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaq wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa dumarkooda u khayroon.)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raalli ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Mu'uminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaq wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa dumarkooda u khayroon.)
Hasan/Sound. - At-Tirmidhi

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka iimaankiisu kaamilka yahay uu yahay midka akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo. Mu'uminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa dumarkooda u khayr roon, sida xaaskiisa, gabdhihiisa, walaalihiis iyo dumarka qaraabadiisa ah, waayo kuwaasi waa kuwa ugu xaqnimada badan inuu kula dhaqmo akhlaaq wanaagsan.

Benefits from the Hadith

  1. Waa fadliga akhlaaqda wanaagsan iyo inay ka mid tahay iimaanka.
  2. Camalku iimaan kuu ka mid yahay, iimaankuna waanu kordhaa waanu yaraada.
  3. Islaamku wuu maamuusay dumarka wuxuuna ku booriyey in la ixsaan falo.

Categories

Successfully sent!