Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali Ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan maalka yarayn, balse ay ka difaacado aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa ka sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn. Qofka cid kale iska cafiya isaga oo awooda inuu ka aargoosto ama uu u qabsado qofkii Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi. Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.

Benefits from the Hadith

  1. Khayrka iyo liibaantu waxay ku jiraan in loo hogaansamo shareecada, iyo in kharka la falo haba la ahaato dadka qaarki in arintu sidaa ka duwan tahaye.

Categories

Successfully sent!