Qofka tukada salaadda subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Jundub Binu Cabdullaahi Alqusari Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka scw ayaa yiri: "Qofka tukada salaadda subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, maayo qofkii Ilaahay magantiisa shay ka mida uu ka dalbo wuu qabanayaa, ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa naarta jahanama.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka tukada salaada subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa. Ka dib Nabigu wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in qofku ka tago salaada subaxa, ama qof tukaday salaadii subax uu dhib u gaysto, qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa naarta.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la cadeeyey muhimada salaadda fajarka iyo fadligeedaba.
  2. Digniin adag ayaa loo diray qofka dhibaato u gaysta dadka salaada subaxa tukaday.
  3. Ilaahay ayaa ka aara kuwa dhibaateeya adoomadiisa saalixiinta ah.

Categories

Successfully sent!