kama uu tagin malakul Jibriil inuu jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Waxaa laga wariyey Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiiba inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "kama uu tagin malakul Jibriil inuu jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan ".
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay in malakul Jibriil uusan ka tagin inuu ku celceliyo oo uu amrayo jaarka ilaalintiisa, kaasoo ah guriga u dhaw, xataa haduu yahay muslim, gaal, qaraabo, ama shisheeye waa in la ilaaliyo xaqiisa oo aan la dhibin, waan in loo ixsaan falo oo lagu sabro dhibkiisa, ilaa uu u maleeyey Nabigu scw markuu arkay sida uu u wayn yahay xaqa jaarku oo uu ugu celcelinaayo Jibriil ayuu u maleeyey in waxyi ku soo dagi doono in la siiyo xoolaha uu ka tagi doono markuu dhinto.

Benefits from the Hadith

  1. Jaarka xaqiisu aad ayuu u wayn yahay waana waajib in la ilaaliyo.
  2. Adkaynta xaqa jaarka oo laga dardaarmay waxay keenaysaa inay daruuri tahay in jaarka la xurmeeyo, oo la jeclaado, oo la wanaajiyo, oo laga daayo dhibka, oo la soo booqdo markuu buko, oo loo hambalyeeyo markuu faraxsan yahay, oo loo tacsiyeeyo markii musiibo ku dhacdo.
  3. Mar kastoo albaabka darisku kugu dhawaado xaqiisu waa wayn yahay.
  4. Shareecada kaamilnimadeeda waxa ay la timid waa waxa ay ku jirto bulshada wanaageedu sida in dariska loo ixsaan falo oo dhibka laga daayo.

Categories

Successfully sent!