dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".
Sahih/Authentic. - Ibn Maajah

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in qofku ka joojiyo naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba qofna uma banaana inuu dhibo naftiisa iyo naf qayrki si siman. Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay qisaas aan lagu xadgud bayn tahay mooyee. Ka dib Nabigu scw wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la reebay in qofku xadka ka baxo oo wixii loo gaystay wax ka badan uu gaysto.
  2. Ilaahay ma amrin adoomadiisa wax dhibaaya.
  3. Waa la xarimay dhibka iyo in la isku dhibaateeyo hadal, ficil ama ka tagidba.
  4. Abaal marintu waa nooca camal ku yahay, qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, qofkii ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeya.
  5. Qaacidooyinka shareecada waxaa ka mida: " dhib waa la joojiyaa ", shareecadu ma ogola dhib, wayna diidaysaa is dhibaatayta.

Categories

Successfully sent!