(Maaha qofka qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun qaraabada xiriiriya, laakiin kan qaraabada xiriiriyaa waa midka marka qaraabadiisu goyso xiriiriya)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Maaha qofka qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun qaraabada xiriiriya, laakiin kan qaraabada xiriiriyaa waa midka marka qaraabadiisu goyso xiriiriya).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay: In qofka buuxiyey xiriirinta qaraabada oo wanaajiyaa aanu ahayn qofka ixsaanka ku guda ixsaan kaliya. Balse kan dhab ahaan u xiriiriya ee si buuxda qaraabada u xiriiriya waa kan hadii qaraabadu goyso xiriiriya, hadii ay xumeeyaana u ixsaan fala.

Benefits from the Hadith

  1. Xiriirinta qaraabada ee sharci ahaan loo ictibaariyaa waa inaad xiriiriso qofka ku gooya, oo aad cafido kan ku dulma, oo aad siiso kan kuu diida, ee ma aha xiriirku mid ku salaysan wax is dhaafsi iyo is abaal marin.
  2. Xiriirinta qaraabadu waa inaad gaarsiiso intii aad awoodo oo khayra, sida maalka, ducada, farida wanaaga, xumo ka reebida iyo wixii kale ee la mida, iyo ka difaacida wixii shar ah.

Categories

Successfully sent!