(Salaadaha shanta ah, iyo jimce ilaa jimcada kale, iyo ramadaan ilaa ramadaanka kale, inta u dhaxaysa waa lagu danbi dhaafaa danbiyada hadii laga fogaado kabaa`irta)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abi Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu oran jiray: (Salaadaha shanta ah, iyo jimce ilaa jimcada kale, iyo ramadaan ilaa ramadaanka kale, inta u dhaxaysa waa lagu danbi dhaafaa danbiyada hadii laga fogaado kabaa`irta).
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in salaadaha shanta ah ee la isku farad yeelay maalinta iyo habeenka, iyo salaada jumcaha ee usbuucii mar ah, iyo soonka oo bisha ramadaan oo sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa wayn. Dambiyada waawayn sida sinada iyo khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Benefits from the Hadith

  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waawayn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waawayn.
  3. Kuwa waa weyni waa dembiyada ay ku waajibtey in qofka lagaga gooyo ciqaabtooda dunida hadii shuruuduhu sax yihiin (xadka qisaas asharci), ama ay kus oo aroortay balan ka gooyn aakhiro: sida cadaab, cadho Alle, ama ay jirtey hanjabaad qofka sameya waxa, ama lacnad cidda fasha, sida dhileysiga iyo khamri cabitaanka.

Categories

Successfully sent!