Alle ma aqbalo salaadda midkiin markuu weyso qabku ka jabo ilaa uu weyso qaadanayo/weysey-sanayo

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Alle ma aqbalo salaadda midkiin markuu weyso qabku ka jabo ilaa uu weyso qaadanayo/weysey-sanayo.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu waxuu caddeeyey shuruudda salaaddu ku ansaxayso iney ka mid tahay dahaaradu, sidaa darteedna ay waajib ku tahay qofka salaad tukashadeed doona inuu weyso qaato, hadduu si uun uga jabtey weysadiisu, sida saxarada, kaadida, hurdada aanu badhida u fadhiyin, iyo waxyaabaha kalee weysada jebiya.

Benefits from the Hadith

  1. Salaadda qofka aan weyso qabin lama ogolaanayo ilaa uu ka maydho ku dhaca wax yaabaha waa weyn ee weysada jabiya, kuwa yar yarna ka weyso qaato.
  2. Waysaysigu waa biyaha oo afka lagu shubto oo lagu wareejiyo oo la tufo, oo biyaha sanka gudihiisa loogu shubo ka dibna laga soo firdhiyo oo wajiga la dhaqo sadex jeer, ka dib gacmaha la dhaqo ilaa suxulada sadex jeer, ka dib madaxa oo dhan hal mar la masaxo, ka dibn lugaha la dhaqo ilaa anqawga sadex jeer.

Categories

Successfully sent!