(Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: waxaan Nabiga scw ka maqlay isagoo dhahaya: (Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey shan wax yaabood oo diinta islaamka iyo sunihii ambiyada ka mid ah: Tan koowaad: gudniinka, waana jaritaan la jaro haraga sare ee qariya madaxa buuryada ragga, iyo in la jaro madax kintirka gabdhaha halka buuryadu marayso korkeeda. Tan labaad: waa xiiritaanka timaha bisqanta. Tan saddexaad: gaabinta timaha shaarubaha, lamana ogola inay qariyaan bishinta. Tan afraad: waa jaritaanka cidiyaha. Tan shanaad: timaha kilkillada oo la rifo.

Benefits from the Hadith

  1. Sunaha ambiyada ee Ilaahay jecelyahay raaligana ka yahay waliba uu faray adoomadiisa waxay dadka u tahay kamaal, wanaag iyo qurux.
  2. waa sharci in arimahan la joogteeyo oo aan la moogaan.
  3. Tilmaamahan waxay leeyihiin faa'iidooyin xaga diinta iyo xaga aduunka ah, waxaa ka mid ah: muuqaal wanaag, nadaafada jirka, iyo in dahaarada loo degdego, in gaalada la khilaafo iyo in amarka Ilaahay oo la qaato.
  4. Xadiisyo kale waxaa lagu sheegay tilmaamo kale oo fidrada ka mida, oo aan shantaan ahayn, sida: garka oo la daayo, rumayga, iyo kuwa kale.

Categories

Successfully sent!