(Hadaad ku tiraado saaxiibka: aammus, maalinta jumcada, iyadoo imaamku khudbaynaayo, laqwi baad la timid)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Hadaad ku tiraado saaxiibka: aammus, maalinta jumcada, iyadoo imaamku khudbaynaayo, laqwi baad la timid).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay ka mid tahay aadaabta waajibka ku ah dadka salaadda jumcada u yimid: inay dhagaystaan khadiibka dhagaystaan, si loogu tadaburo waanada iyo wacdiga, qofka hadla wax yarba ha ahaatee isagoo imaamkuna khudbaynaayo, ee ku dhaha cid kale: (aamus ama dhagayso) midkaasi wuxuu waayey fadligii salaada jumcada.

Benefits from the Hadith

  1. Waa xaaraan hadalku marka khudbada jumcadu socoto, xataa qofka wax xumaana ha u reebee ama salaan haka qaado mid kale ama mid handhisay ha u duceeyee.
  2. Arinkaa waxaa laga reebayaa qofka imaamka la hadlayaa ama imaamku la hadlaayo.
  3. Labada khudbadood inta u dhaxaysa waa la ogol yahay hadalka haday baahi keento.
  4. Nabiga scw hadii la xuso imaamkuna khudbada ku jiro hoos baad ugu salliyi Nabiga scw sidaasoo kale aamiinta ducadana hoosbaa loo dhihi.

Categories

Successfully sent!