(Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii qofku labada nijaaso isku celinaaya)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay inuu yiri: (Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii qofku labada nijaaso isku celinaaya).
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu reebay in salaad la tukado hadii cunto la soo dhigay, taasoo nafta qofka tukanayaa ay rabto oo uu qalbiga ku hayo. Nabigu scw wuxuu kaloo uu reebey inuusan tukan karin qofka isku celinaaya labada najaaso oo ah kaadida iyo saxarada, waayo wuxuu mashquul ku yahay inuu dhib isku celiyo.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la gudboon qofka tukanaya inuu iska fogeeyo wax kastoo salaadda ka mashquulinaya intaanu galin salaadda.

Categories

Successfully sent!