(qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida maalintii hooyadi dhashay

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abu Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo leh: (qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida maalintii hooyadi dhashay.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan rafas la imaan, rafaskuna waa galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxa kaloo lagu macneeyaa rafaska hadalka xun, qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco waxyaabaha ka reeban qofka muxrimka ah, qofkaasi wuxuu xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida ilmuhu markuu dhasho aanu danbi ulahayn.

Benefits from the Hadith

  1. Fusuqu isagoo reeban mar walba, hadana waxaa lasii adkeeyey reebidiisa marka xajka la gudanaayo, iyado la waynaynaayo acmaasha xajka.
  2. dadku waxay dhashaan iyago wax danbiya aan lahayn, mana qaadayo gafka qof kale.

Categories

Successfully sent!