Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Bara`a -Allaha ka raali ahaadee-: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadkii reer madiina ansaarta ay jeclaayeen waa astaan tusaysa iimaan kaamila, waana iyagoo ku hor maray inay u hiiliyaan Islaamka iyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-,iyo dadaalkii ay u galeen soo dhawayntii iyo dib u dejintii muslimiinta, iyo inay u hureen maalkooda iyo naftoodaba jidka Ilaahay, in loo caroodana waa astaanta nifaaqa. Ka dib wuxuu cadeeyey Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee cida ansaar jeclaata in Ilaahay jeclaanayo, cida u carootana Ilaahay u caroonayo.

Benefits from the Hadith

  1. xadiiska waxaa ku sugan amaan wayn oo ansaar ay leedahay, jacaylkoodu wuxuu calaamad u yahay iimaanka, iyo in bari laga noqdo nifaaqa.
  2. Awliyada Ilaahay oo la jeclaado oo loo hiiliyo waxay sabab u tahay in Ilaahay adoonka jeclaado
  3. xadiiska waxaa ku cad fadliga wayn ee ay leeyihiin mu`muminiintii Islaamka ku soo hormary.

Categories

Successfully sent!