Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cumar Binu Khaddaab- Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin", Cumar baa yiri: wallaahi kuma dhaaran tan iyo markii aan reebida ka maqlay Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ha ahaato u la kac ama midaan qof kale ka soo wariyaye.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto aabayaasha, qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.

Benefits from the Hadith

  1. waa la xarimay in lagu dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, wuxuuna si gaara u sheegay in aabayaasha lagu dhaarto, waayo waa dhaqankii jaahiliga.
  2. Dhaartu: waa in lagu dhaarto Ilaahay ama magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyadoo la adkaynaayo arin gaara.
  3. Fadliga Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali noqdee, siduu ugu degegay inuu fuliyo amarka iyo fahamkiisa fiican iyo xalaal miiradkiisa.

Categories

Successfully sent!