, wuxuu yidhi: qofkii islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu jaahiligii sameeyey, qofkase Islaama oo shirki la yimaada danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa ku yidhi: rasuulkii Alloow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii jaahiliga sameyney, wuxuu yidhi: qofkii islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu jaahiligii sameeyey, qofkase Islaama oo shirki la yimaada danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Wuxuu caddayey Nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee fadliga uu leeyahay diinta islaamka oo la soo galo . Qofka islaama ee ay fiicnaato islaamnimadiisu oo ahaada qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii macsi ah ee uu sameyey jaahiligii. qofkase islaamnimadiisu xumaato sida inu munaafiq noqda ama diintiisa ka ridoobo waa lagu xisaabin macsidii uu qaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu muslimay.

Benefits from the Hadith

  1. Asaxaabtii Allaha ka raali ahaadee waxay ihtimaam siin jireen oo ka baqi jireen wixii jaahiligii ka dhacay ee ficilo xun ahaa.
  2. waxaa la isku dhiirri gelineyaa ku sugnaashaha diinta islaamka.
  3. fadliga uu leeyahay diinta islaamka oo la soo galo iyado qofka loogu dhaafayo wixii ficil ahaa ee horay uga dhacay.
  4. qofkii murtad ah iyo munaafiqa waa lagu xisaabin ficiladii ay sameeyeen jaahiligii iyo danbiyadii ay sameeyeen intay islaameen.

Categories

Successfully sent!