Sharaxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkaana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee uusan jirin ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in adoonku labadaas ku dhawaaqayo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal falo waxa ay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamad scw una hogaansamo. Tiirka labaad: waa salaada oo la oogo, waana salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka: waa fajarka, duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka sadexaad: waa bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha xajjka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka shanaad: waa soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku cibaado, laga bilaabo waqtiga fajarka ilaa qorax dhaca.