(Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Mursad Alqanawi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu dhahay: (Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda).
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in lagu fadhiisto qabuuraha. Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga qabuuraha loo tukado, oo qabuuruhu noqdan kuwo ka xiga qofka tukanaya xaga qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa shirki.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la reebay in salaad lagu dhex tukado qabuuraha, ama xagooda loola jeesto marka laga reebo salaada janaasada, sidaana sunaday ku cadahay.
  2. Waxaa loo reebay salaada qabuuraha xagooda in loo tukado, in laga hortago wixii shirki keenikara.
  3. Islaamku wuxuu reebay in lagu xad gudbo qubuurta iyo in la xumeeyo qubuurta xadka sharciga ka badbadin lama ogola ka gaabina lama ogola.
  4. Xurmada muslimku waa mid joogto ah xataa isagoo dhintay, Nabigu scw wuxuu yiri: (jebinta lafta maydku waxay la mid tahay isagoo nolol lagu jabiyey).

Categories

Successfully sent!