(Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo dagaa samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka ka wariyey scw inu dhahay: (Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo dagaa samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: (yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oon u dambi dhaafaa?).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka saddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa adoomadiisa mu'uminiinta ahe.

Benefits from the Hadith

  1. Habeenka suluska dambe fadli aad u waynbaa ku jira, salaada, ducada iyo istiqfaarta waqtigaa.
  2. Waxaa la gudboon qofka markuu xadiiskan maqlo inuu ahaado mid aad ugu dadaala ka faa'iidaysiga saacadaha ducada la aqbalo.

Categories

Successfully sent!