taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka scw faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku scw: ( taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigaa scw la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina. Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar. Wuxuu dhahay Rasuulku scw jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.

Benefits from the Hadith

  1. Waa la reebay in la rumaysto faalalowyada, waxay sheegaana waa been la dhoo dhoobay, runba ha sheegeen mararka qaarkoode.
  2. Samada waxaa laga ilaaliyey shayaadiinta soo diritaankii Nabi Maxammad scw ka dib inay soo dhagaystaan wax waxyiga ka mida iyo qayrkiba mid wuxuu maqlay soo xaday maahee oo ka nabad galay shihaabka lagu tuuro.
  3. Jinigu wuxuu leeyahay kuwo u madax ah oo insi ah.

Categories

Successfully sent!