kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey-Allaha karaali ahaado isaga iyo aabihiiba-inuu Nabigu scw yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane.
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Sharaxaad

Wuxuu cadeeyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- kuwa u naxariista naflayda kale iyagana waxaa u naxariisan Raxmaanka naxariistiisa balaaran ee wax walba gaadhay, abaal marin waafaqsan camalkiisa. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye- in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, dad, xayawaan, shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga samada.

Benefits from the Hadith

  1. Diinta islaamku waa diin naxariis, waana diin dhamaanteed ku taagan daacada Ilaahay iyo wanaajinta kuwuu Ilaahay abuuray.
  2. Ilaahay isagaa wayne wuxuu ku tilmaaman yahay mid naxariis badan, waana Allaha naxariista guud iyo midda gaarka ahba naxariista, adoomadiisana naxariista gaarsiiya.
  3. Abaal marintu waa kolba siduu yahay camalka la qabto-wanaag iyo xumaanba, kuwa naxariista badan Allaha raxmaanka ah baa u naxariista.

Categories

Successfully sent!