(Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan ama dhowr iyo lixdan qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka: (laa ilaaha Illa-llaah), waxaana ugu yar jidka oo wixii dhib ah laga qaado

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan ama dhowr iyo lixdan qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka: (laa ilaaha Illa-llaah), waxaana ugu yar jidka oo wixii dhib ah laga qaado, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal laqabto, caqiido, hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: (laa ilaaha Illa-llaah), waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay u taagan tahay, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligii, wax kalana aan lala wadaajin. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah dariiqa dadku marayaan. Rasuulku scw ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.

Benefits from the Hadith

  1. Iimaanku waa darajooyin qaar ka fadli badan yahay qaarka kale.
  2. Iimaanku waa hadal iyo camal iyo caqiido.
  3. Ilaahay oo laga xishoodaa wuxuu keenaa: inuuna kugu arag meel uu kaa reebay, iyo inuuna kaa waayin meel uu ku faray.
  4. hadii tiro la sheego looma jeedo in arinku tiradaa ku kooban yahay, balse wuxuu ku tusayaa in acmaasha iimaanku badan tahay, carabtu waxaa dhici karta inay shay tiro ku sheegaan oo aysan doonayn inaysan wax qayrkiya diidin.

Categories

Successfully sent!