(Qofka ka dab qaata wax cilmiga xiddigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha darsado)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Qofka ka dab qaata wax cilmiga xiddigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha darsado).
Sahih/Authentic. - Ibn Maajah

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xiddigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xiddigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.

Benefits from the Hadith

  1. Waa xaaraan faalka xiddigaha kaaso ah in wax laga sheego mustaqbalka iyado la cuskanaayo xaalka xidigaha, waayo wuxuu ka mid yahay sheegashada cilmiga qaybka.
  2. Faalka xidiguhu waa xaaraan wuxuuna ka mid yahay sixirka tawxiidka ka hor imanaya, taasoo ka duwan eegida xidigaha si loo ogaado jihooyinka ama qiblada iyo galida mawsimka iyo bilaha arinkaasi waa banaan yahay.
  3. Qofku markastuu sii barto cilmiga faalka xiddigaha wuxuu sii badsanayaa barashada qayb sixirka ka mida.
  4. Xiddiguhu saddex waxtar oo Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay bay leeyihiin: waa quruxda samada, astaamo jihooyinka lagu garto iyo gantaalo shayaadiinta lagu gano.

Categories

Successfully sent!