waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan u arkaysaan, idinkoon isku ciriirinayn aragtida Ilaahay

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee -wuxuu yiri: Anagoo Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- la joogna ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14-, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan u arkaysaan, idinkoon isku ciriirinayn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan salaada inta qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu scw wuxuu akhriyey aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Asaxaabtu habeen ayey la joogeen Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna eegay dayaxa oo ahaa habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Mu'uminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa salaada fajarka iyo salaada casarka sameeya, oo la imaada labadaas salaadood waqtigooda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubbanuhu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee aayad: {Ku tasbiixso xamdiga rabigaa qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.

Benefits from the Hadith

  1. Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan janada.
  2. Qaababka loo gudbiyo dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.

Categories

Successfully sent!