Ummaddayda oo dhan janaday galaysaa qofka iska diida maahee

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: " Ummaddayda oo dhan janaday galaysaa qofka iska diida maahee ", waxay dheheen: Rasuulka Alloow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca janaduu galayaa, kan i caasiyana waa qof diiday-janada".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan janada galayso qofkii iska diida maahee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya rasuulkii Ilaahayow.?! Wuxuu ugu jawaabey Nabigu scw qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka scw janaduu galayaa, qofkase aan u hogaansamin shareecada camalkiisa xun waxay ka dhigan tahay inuu diiday janada galideeda.

Benefits from the Hadith

  1. Rasuulku scw oo la adeeco waxay ka mid tahay Ilaahay adeecidiisa, Nabiga oo lagu caasiyona waxay ka mid tahay Ilaahay oo lagu caasiyey.
  2. Nabiga scw oo la adeeco waxay qofka u waajibinaysaa janada, in la caasiyona waxay u waajibinaysaa naarta.
  3. Waxaa loogu bishaaraynayaa kuwa Rasuulka adeecay ee ummaddaan ah, inay dhamaantood janada galayaan kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey mooyee.
  4. Nabigu scw ummaddiisa wuu u naxariistay wuuna ku dadaalay hanuuntooda.

Categories

Successfully sent!