Qofka la yimaada wax aan diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Qofka la yimaada wax aan diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa. waa mutafaq. muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in qofka ku soo dara diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil kitaabka iyo sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma qabalayo.

Benefits from the Hadith

  1. Cibaadadu waxay ku dhisantahay Qur'aanka iyo sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayo wixii uu jideeyey mooyee oo bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.
  2. Diintu maaha Ra'ayi iyo sida qofku jecel yahay, balse waa raacid rasuulka la raaco -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee.
  3. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay diinta kaamilnimadeeda.
  4. Bidcadu waa wax kasta oo diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabaga scw iyo asaxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.
  5. Xadiiskani wa asal ka mida usuusha islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loola jeedin Ilaahay darti uusan qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga scw uu la yimid ayaa lagu celinayaa qofkii sameeyey.
  6. Waa la diiday wixii gadaal laga keenay ee ku saabsan arimaha diinta ee aan aduunyo ahayn.

Categories

Successfully sent!