Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina ".
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn sawirada dadka iyo jirkoodu, inay quruxsan yahay ama fool xun yahay ama wayn yahay ama uu yar yahay ama uu caafimaad qabo ama uu jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa quluubtooda iyo waxa ku jira ee taqwo, yaqiin, run, iyo ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.

Benefits from the Hadith

  1. Waa in qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
  2. Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga scw, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
  3. Qofku yaanu ku kadsoomin hoolahiisa, quruxdiisa, jirkiisa iyo shay walba ka mida quruxda aduunka.
  4. Waa laga digayaa in la qanco waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin gudaha".

Categories

Successfully sent!