Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa ...

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaade isaga iyo aabihiiye. Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay scw, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal danbi.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay in Ilaahay qodaray xasanaadka iyo dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba malag siday u qoroyaan. Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa todoba boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iwm. Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteed la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jira. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal dambi.

Benefits from the Hadith

  1. Waa cadayn Ilaahay fadligiisa wayn ee uu ummaddaan siiyey isago xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin dambiyada.
  2. Niyadu ahmiyad ayey ku leedahay camalka iyo saamayn.
  3. Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo xasano.

Categories

Successfully sent!