Qofkii daynta ka suga qofka saboolka ah, ama ka dhaafa, Illaahay wuxu hariyaa hooska carshigiisa maalinta qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: Qofkii daynta ka suga qofka saboolka ah, ama ka dhaafa, Illaahay wuxu hariyaa hooska carshigiisa maalinta qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin.
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka u kaadiya kan daynta qaba ama ka cafiya daynta, waxaa lagu abaal mariyaa in Ilaahay hariyo hooska carshigiisa maalinta qiyaame maalintaaso qoraxdu u soo dhawaanayso adoomada madaxooda oo kulaylkeedu aad u daran yahay. Maanlintaa qofna ma helaayo hoos qof Ilaahay hoos siiyo mooye.

Benefits from the Hadith

  1. fadliga iyo fududaynta Ilaahay siiyey adoomadiisa waxay ka mid tahay asbaabta looga nabad gelaayo kadeedka maalinta qiyaamaha.
  2. Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka laqabtay.

Categories

Successfully sent!