qofka dhinta isagoo wax aan Ilaahay ahayn baryaaya naartuu galayaa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " qofka dhinta isagoo wax aan Ilaahay ahayn baryaaya naartuu galayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon wax aan Ilaahay ahayn baryeyn janaduu galayaa.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa Ilaahay u waajibay ee ay tahay in kaligi lagu caabudo qofkii cid kale u leexiya, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cid Ilaahay ahayn oo uu gar-gaar weydiisto, qofkaasi haduu sidaa ku dhinto naarta ayuu galayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada.

Benefits from the Hadith

  1. Ducadu waa cibaado, mana loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn.
  2. Tawxiidka fadligiisa qofka ku dhinta janaduu galayaa, xataa hadii lagu ciqaabo danbiyadiisa qaarkood.
  3. Shikiga khatartiisa iyo in qofka ku dhinta naarta galayo.

Categories

Successfully sent!