, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abi Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw waxaa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada maalinta qiyaame? wuxuu yiri Rasuulku:(dhab ahaan waxaan filayey abaa Hureyrow in aanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid xadiiska, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa maalinta qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: (Laa Ilaaha Ilaa Allah) majiro mid xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa sugan in Rasuulku scw uu shafaaco leeyahay aakhiro, shafaacadiisana ma helayso cidaan muwaxidiinta ahay.
  2. Nabiga scw shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya qofka naartu u waajibtey inuusan naarta galin, kii naarta galayna uu shafacaada kaga soo boxo naarta.
  3. Fadliga ay leedahay kalimada tawxiidku iyadoo Ilaahay loo gaar yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
  4. Kalimada towxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
  5. Fadliga Abi Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo dadaalkiisa uu cilmiga ku bixiyey.

Categories

Successfully sent!