((Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryama, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha addoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa))

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: ((Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryama, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha addoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa)).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaatka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryama nabadi korkiisa ha ahaat. Ka dib wuxuu caddeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa laga digayaa ku xad gudubka sharciga ah ee waynaynta iyo amaanta, waayo taasi waxay hor keenaysa shirki.
  2. Arinkii Nabigu scw ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay scw, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
  3. Rasuulka Ilaahay scw wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, si uu u caddeeyo inuu yahay adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayna in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
  4. Rasuulku scw wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u caddeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.

Categories

Successfully sent!