Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Alloow? wuxuu dhahay: "waa istustuska

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Alloow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
Sahih/Authentic. - Ahmad

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badanaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo istustuska dadka darti. Nabigu wuxuu kaloo sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, in lagu oran doono maalinta qiyaame: socda oo u taga kuwaad iyaga dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!

Benefits from the Hadith

  1. Waa waajib in camalka Ilaahay khaalis looga dhigo, lagana digtoonaado is tustuska.
  2. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si aad ah ayuu ugu dhimriyey ummaddiisa, wuuna ku dadaalay inay soo hanuunaan oo u naseexeeyey.
  3. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-sidaa ayuu ugu cabsan jiray asaxaabta isagaoo la hadlaayey, iyagoo ahaa madaxdii saalixiinta, dadka ka dambeeya in loo cabsado ayaa ka mudan.

Categories

Successfully sent!